Cali Maxamed Geedi: Maamul goboleedyada iyo xisbiyada siyaasada hada jira ma waafaqsana sharciga

Ra’isulwasaarihi hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo marki ugu horeysay ka hadlay xaalada Soomaaliya mudo sanado ah, ayaa kasoo horjeestay maamul goboleedyada cusub ee dhawaan loogaga dhawaaqay dalka iyo axsaabta siyaasiga ah.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Nairobi ayu Mr. Geedi ku sheegay in aysan aheyn wax sharciga iyo axdiga KMG ah waafaqsan in maamul goboleed aysan gobolo ka badan labo ku mideysneyn, sidoo kale xisbiyada siyaasada sida ay u sameysanyihiin ayuu dhaliilay.

“Dastuurka waxaa ku qoran in dalka laga sameyn karo maamul goboleedyo iyo xisbiyo siyaasadeed laakin yaa sameyn karo, waxaan ognahay in dad yar ay isaga dhawaaqayaan xisbiyo siyaasadeed ama 20-qofood in ay sheegtaan maamul goboleed, waxaasi ma ahan wax sharciga waafaqsan,” ayuu yiri Cali Maxamed Geedi.

Dad badan oo siyaasada taxliiliya ayaa u arka hadalka Cali Maxamed Geedi mid siyaasadeysan una muuqda inuu diyaar u yahay inuu isu soo taago xilka madaxtinima dalka.

Cali Maxamed Geedi ayaa iska casilay xilka Ra’isulwasaaraha sanadki 2008 kadib marki ay isku dhaceen madaxweynihi hore ee dowlada FKMG Soomaaliya Alla ha u naxariistee C/laahi Yusuf Axmed.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.