Cali Maxamed Geeddi oo Sanado Kadib Muqdish Kusoo Laabtay

Cali Maxamed Geeddi Raysal wasaarahii hore ee Soomaaliya oo ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Cali Maxamed Geedi ayaa markii uu kasoo dagay garoonka Muqdisho waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo xubno kasocday dowladda hada waqtigeeda uu dhamaaday.

Ra’iisul Wasarahii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo imaanshihiisa kadib warbaahinta la hadlay ayaa wuxuu sheegay in ujeedada uu u yimid Magaalada Muqdisho ay tahay inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxweyninimo ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in hadii loo doorto Hogaanka dalka Soomaaliya uu wax badan ka qaban doono arimaha hada ka taagan xaalada dalka Soomaaliya.

Xilli .lagu wado in 10-ka bishaan ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isa soo taraaya musharaxiibta u taagan xilkaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

2 COMMENTS

  1. Salaan qaali ah ka dib,
    Professor inuu yahay Professor Cali Maxamed Geedi sow ma ogid walaalow? Haddii aad og tahay umada kale waad ku qortaa sida Dr. Cabdi weli etc maxaa ugu diiday ninkaan odayga aha mise ….?

  2. prf.geedi anagoo tixgalinayna sharafkaga iyo mansabka aad ka soo qabatay somliya waxaanu kaga digaynaa mashruuca shirqoolka ah ee aaay maleegayso dawlada keenya uguna ololaaynayso dr.gaas anagoo og masaalaxa ay ka leedahay una soo bayaamindoona mushtamaca soomaaliyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here