Cali Dheere: Waxan heynaa maxaabiis aan ka qabanay Itoobiya

Ururka Al Shabaab ee dhawaan la midoobay Al Qaacida ayaa marki ugu horeysay si rasmi ah u sheegtay in ay hayaan askar ka tirsan ciidanka Itoobiya oo ay ku qabteen dagaalki Yurukud.

Afhayeenka Al Shabaab, Sheekh Cali Dheere oo la hadlay idaacada Andalus ee codka Shabaab ayaa sheegay in dagaalki Yurukud ee todobaadkan ay ku qabteen askar Itoobiyaan ah kuwaasi oo uu sheegay in ay soo bandhigi doonaan dhawaan.

Maalin ka hor ayey Al Shabaab soo geliyeen codka askari Itoobiyaan ah bog internet ah oo lagu magacaabo Amiir Cali, waxaana codka oo ahaa nin ku hadlayey af amxaari uu sheegtay in uu yahay askari Itoobiyaan ah oo lagu magacaabo Obera.

Askarigaasi ayaa sheegay in qaar ka mid ah askarta saaxibadiisa ah ee Itoobiya lagu dilay dagaalki Shabaab iyo ciidanka dowlada ku dhexmaray deegaanka Yurkud ee gobolka Gedo.

Shalayna afhayeen u hadlay ciidamada Itoobiya ayaa beeniyey in askar loogaga dilay dagaalki kululaa ee ka dhacay deegaanka Yurkud.