Cali Dheere: “Sideed maalin gudahood sade jeer ayaan weerarnay madaxtooyada”

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay weeraro hoobiye yaal ah oo habeenadi Isniinti iyo Talaadadi lasoo dhaafay lagu weeraray xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.

Wareysi uu siiyey warbaahinta ku hadasho codka Shabaab ayuu Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Dheere ku sheegay in ay 8 maalin gudahood ku weerareen madaxtooyada 3 jeer oo laba ka mid ah ay xiriir ahaayeen.

‘”Sideed maalin gudahood ayaa la weeraray madaxtooyada 3 jeer, waxaad maqleyseen gaalada in ay lahaayeen Al Shabaab waan ka qabsanay magaalada, laakin nin madaxtooyada ku nabad gali la, muxuu gobolk ka weeraraa, marka waxaan leenahay cadawga qasaaro badan ayaa kusoo gaarya madaxtooyada marka mujaahidiinta gaalada kama hareyso hadii ay guri galaan ama god galaa,” ayuu yiri.

Sheekh Cali Dheere ayaa ugu baaqay dadka ku nool meelaha u dhaw dhaw madaxtooyada ama fariisimaha ciidamada is garabsanaya in ay ka guuraan.

“Dadka Muqdisho dagan waxaan u sheegeynaa in aanan u soconinin dhiigooda laakin waxaan leenahay ka fogaada xarumaha gaalada waan ku cel celineynaa halaga fogaado,”

Gaba gabadi waxa uu sheegay in Al Shabab ay weeraro iyo qaraxyo xanuunjin ah ku hayaan ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya ee jooga magaalada Baydhabo.

“Baydhabo Mujaahidiinta waxay ku wadaan mirta iyo dilka, gaaladana dhib ayey kala kulmayaan mar dhawna waxaan rajeyneynaa sida iyaga oo lugeynaya ay uga baxeen kal hore ay haatana uga baxaan,”

Duqeymihi ay Al Shabaab todobaadkan u geysteen xaafadaha u dhaw dhaw madaxtooyada ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan lix ruux oo rayid ah kuwaasi oo uu ku jiray canug yar.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.