Cali Dheere: Qaraxi Dhuusamareeb waxaan ku dilnay, Itoobiyaan, Murtadiin iyo Mushrikiin

Afhayeenka Al Shabaab, Sheekh Cali Dheere ayaa faah faahin ka bixiyey qarax ismiidaamin ah oo ay shalay ka geysteen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Cali Dheere ayaa sheegay in qaraxa ay ku dileen saraakiil Itoobiyaan ah, xildhibaano ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya iyo ma,uuliyiin ka tirsan Ahlu Sunna walajamaaca sida uu sheegtay.

“Meesha waxaa ku sugnaa sadex qeyb, qeyb waxay aheyd nimankaan xabshida, qolo murtadiin ah oo halkaan ka tagay oo uu ka tirsana Axmed C/salaan, iyo qoladaan mushrikiinta ah ee halkaasi joogta, waxaa halkaasi ku baaba,ay xildhibaano, Itoobiyaan iyo kuwo kale.” ayuu yiri.

Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhintay ilaa iyo 9 ruux oo ay ku jireen laba xildhibaan oo kala ah Yuusuf Mire Seeraar iyo ar iyo C/wali Aw-Muxumed iyo sidoo kale dad rayid ah oo goobta ku sugnaa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.