Cali Dheere oo Qurbo Joogta Ugu Baaqay inay Faraha kala Baxaan Siyaasada Dalka , Hadii ..

Afayeenka guud ee Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Sh Cali Dheere ayaa baaq u diray Qurbo Joogta Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay inay faraha kala baxaan siyaasada dalka.

Cali Dheere oo wareysi siinayay Idaacada Al-furqaan oo ka tirsan Idaacadaha Taageera Alshabaab ayaa waxaa uu sheegay in Muqdisho Nabad ahayn , wuxuuna si weyn uga hadlay qurbo joogat dalka dib ugu soo laabatay.

“Waxaan rabaa dadka qurbaha jooga inaan u sheego, runtii wax badan horay uga qeybq aadateen, hadii ay tahay qabyaalada, oo aad horay dhaqaale ama taakulo uga qeyb qaadan jirteen dagaalada qabyaalada in aad maanta ka qeyb qaadataan diinta lagu soo duulay iyo dadka Muslimiinka dhulkooda la qabsaday sidii ay isaga kicin lahaayeen inaad ka qeyb qaadataan”ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo intaa ku daray inay uga qeyb qaataan dagaalada afka, dhaqaalaha ama qalin si la isaga difaaco cadawga.

Sidoo kale Cali Dheere waxaa uu sheegay in Qurbo joogta la sirayo , wuxuuna wadaadka hadalkiisa si raaciyay inaan la sirin qurba joogta , isagoo Muqdisho ku tilmaamay Magaalo wali ku jirta Colaad iyo Dagaalo.

“Waxaa leeyahay waa in aad uga fiirsataan beenta ay reer galbeedka idin aqrinayaan, inay dan maslaxad u wadaan, in Muqdisho nabad tahay ay u sheegayaan haku kadsoomin ayaa leeyahay, waa goob dagaal, muslim iyo gaal ku hardamaya, waxa weeye dhinaca gaalada ha isku marina, dhinaca muslimiinta soo mara, waa la kala bixi doona, muslim iyo gaal iskuma qasnaan doonaan”ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afayeenka Shabaab Cali Dheere ayaa ugu dambeyn Qurba joogta ka dalbaday hadii aysan taageereynin Mujaahidiinta aysan ku biirin dhinacyada ka soo horjeeda , ama inay iyaga ka soo horjeestaan.

Magaalada Muqdisho waxaa soo camiray Boqolaal ka tirsan Dadkii Soomaalida ee ku noolaa Qurbaha , iyagoo ka furay goobo ganacsi , waxaana Alshabaab ay arintaasu u aragtay mid u daneyneyso Dowlada iyo Ciidamada AMISOM.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here