Cali Dheere oo qirtay duulaanki shabaab ee Puntland & ujeedada ay ka lahaayeen

Afhayeenka guud ee al-shabaab cali dheere
Afhayeenka guud ee al-shabaab cali dheere

Af-hayeenka ururka Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadlay duulaankii ay ku qaadeen deegaanada Puntland iyo Galmudug, isagoo sheegay in ujeedada duulaankaasi uu ahaa sidii ay halkaasi u gaarsiin lahaayeen hadafkooda ah ku dhaqanka shareecada Islaamka waa sida uu hadalka u yiri, loona cirib tiri lahaa maamuladaasi oo uu ku sheegay in ay yihiin kuwo la dirirayo Ashahaadka.
Sheech Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” ayaa sheegay in guutooyin ka tirsan ururkooda in ay galeen dhul xeebeedka Puntland14kii Maarso, kuwaasi oo dagaalo xoogan la galay ciidamada Puntland, hase ahaatee markii looga adkaaday firxadkooda usoo baxsaday dhinaca Galmudug, halkaasina lagu laayay, qaar kalena nolosha lagu qabtay.
“Mujaahidiinta Xarakat Alshabaabul Mujaahidiin waxay shantii Jamaadul Awal, 1437 dagaallo xoogan gobolada waqooy-bari kula galeen maamulka Ashahaada la dirirka ee xoogga ku heysta goboladaas. hadafka duulaankaas wuxuu ahaa sidii sharciga Allah loo gaarsiin lahaa, looguna maamuli lahaa deegaanadaas, loogana dul qaadi lahaa maamulka dhaaguudka ee ka arimiya deegaanadaas.

Dagaaladaas waxay mujaahidiintu ku bixiyeen naf iyo maal intaba iyagoo Allaah talo saartay, maciyadiisna magacan galaya, qadartiisana raali ku ah. waxaan geesiyada howshaas fuliyey ku leenahay Allaha idinka abaalmariyo dadaalkaas aad u gasheen Islaamka iyo ehelkiisa. Allaah
waxaan weydiisaneynaa in uu shuhadadiina aqbalo, dhaawaciina caafiyo, asradiinana soo bad-baadiyo” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Cali Dheere ayaa shacabka Puntland iyo qabaa’ilada degan ugu baaqay in ay iska celiyaan wax uu ugu yeeray caddowga Alle, isla markaana ajiibaan mujaahidiinta, garabna u noqdaan Islaamka, wuxuuna ka codsaday in ay ka fogaadan qabyaalada oo lagu beer jilacsado.

Al-Shabaab ayaa dagaaladii ay ku qaadeen deegaanada Puntland iyo Galmudug ayaa looga adkaaday, waxaana maliishiyadaasi u badnaa caruur da’dooda ka yar tahay 17 sano, kuwaasoo qaarkood sheegeen in lasoo qasbay oo aysan aqoon u laheyn hubka loo dhiibay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here