Cali Dheere Oo Ka Warbixiyay Dagaalkii Kululaa Ee Dhexmaray Ciidamada Kenya

Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Cali Dheere ayaa Saxaafada siiyay waraysi uu uga waramayo Dagaal kululaa oo labadii maalmood ee u danbeeyay ka socday Deegaanka Afmadow. Dagaalkan aya au dhaxeeyay Ciidanka Al-Shabaab iyo Ciidamada Raaskanboni oo ay taageerayaan Diyaarado Dabaabad iyo ciidamada Lugta ee Dalka Kenya.

Sheikh Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay in qorshaha looga baxayo ku meel gaarka uu yahay mid ay wataan wadamo shisheeye sida uu hadalka u dhigay,waxaana wadamada uu carabaabay ka mid ah Norwey iyo Dalka Kenya.

Waxaa uu sidoo kale sheegay Afhayeenka Al-Shabaab in qorshaha ugu weyn ee laga leeyahay arinta ka bixida Kumeel gaarka inay tahay dhul balaarsi iyo la bixida qeyraadka ku jira Dalka Soomaliya,sida uu hadalka u dhigay.

Dagaalkan ayaa la sheegayaa in ay ku nafwaayeen Ciidamado tiro badan oo labada dhinacba ah walow ay Al-shabaab sheegteen inay iyagu helen gacanta sare, waxana Al-shbaab malintii shalay soo bandhigeen maydad ka tirsan Ciidanka Kenya.

Sikastaba Afhayeenka Al-Shabaab Sheikh Cali Maxamuud Raage ayaa imaanaya iyadoo muddo hada laga gudbay xilliga KMG ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here