Cali Dheere: ‘Macalimiinta iskuulada iyo ardayda haka qeybgaleen jihaadka’

Xarakada Al Shabaab ayaa ugu baaqay dhamaan macalimiinta iyo ardayda Iskuulada iyo Jaamacadaha in ay ka qeybgalaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada dolwada iyo kuwa ajnabiga ah.

Afhayeenka Al Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage oo shalay deegaanka Ceelasha Biyaha kula kulmay qaar ka mid ah Dalladaha Waxbarashada, macallimiin iyo arday wax ka barta macaahida iyo jaamacadaha ayaa sheegay in la gaaray waqtigi dadka oo dhan ay ka qeybgali lahaayeen dagaalka.

“Waa in aad ka qeybgashaan dagaalka waayo cadaw ayaa nagu soo duulay, qof aqoonyahanka ah waa inuu aqontiisa ku dagaalamaa qofki qori qaadi karana waa muhiim isagana, waa inaan difaacanaa sharafteena iyo diinteena,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Dhanka kale Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in ardayda wax ku barta dalalka reer Galbeedka ay ku jiraan qaar maskaxda laga dooriyey oo lagu beeray dhaqan galbeed taasi oo qatar ku ah buu yiri jiilasha Soomaaliyeed.

Al Shabaab ayaa waxaa hada kaga furan meelo badan oo dalka ah dagaalo kuwaasi oo ay kula jiraan ciidamada dowlada, Ahlu Suna, Amisom, ciidanka Kenya iyo kuwa Itoobiya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.