Cali Dheere: “Ma ogolaan doono gumeysi dambe”

Afhayeenka Al Qaacidada Soomaaliya Sheekh Cali Dheere ayaa ku celiyey in ay ka go,antahay in ay dagaal kala soo horjeestaan dalal uu sheegay in ay doonayaan in ay Soomaaliya gumeysi kale ku celiyaan.

Isaga oo dadweyne fara badan kula hadlayey gobolka Shabeelaha Hoose ayuu Cali Dheere sheegay in la wado qorshe lagu gumeysanayo Soomaaliya.

Sarkaalkan ayaa ku adkeystay in ay la dagaalami doonaan dowladi isku dayda in ay gumeysi geliso Soomaaliya, isaga oo intaasi raaciyey in ay doorteen dadka Soomaaliyeed in ay isku xakumaan diinta Islaamka.

Hadalka Shekeh Cali Dheere ayaa imaanaya maalmo yar kadib marki ay Al Shabaab qaadaceen Shirki London oo ay ku sheegeen shir lagu kala qeybsaday Soomaaliya.

Dowlada KMG ayuu ku eedeyey in aysan dalka ku xakumeyn Shareecada Islaamka, balse Shabab ay dhaqan geliyeen.
“Dowladi rabto in ay dalkaan xakunto waa in ay aayadaha Alle ku xakuntaa, waa dhamaaday waqtigi caalamka ee gumeysiga Soomaaliya, mana yeelenyno gumeysi cusub,” ayuu yiri.

Al Shabaab ayaa xakunto inta badan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.