Cali Dheere: ‘Dowlada xunta ah ee Sierra Leone waxaan uga digeynaa in ay ciidamo usoo diraan dalkeena’

Al Shabaab ayaa digniin culus u diray dowlada Sierra Leone oo lagu wado in ay noqoto dowladi ugu horeysay oo ka socota Galbeedka Africa oo ciidamo usoo dirto dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Al Shabaab, Sheekh Cali Dheere oo wariyaasha kula hadlay Ceelasha Biyaha ayaa sheegay in Sierra Leone ay kala kulmi doonto gobolada bay iyo Gedo jab xoog leh, isala markaana dadka ay ka daawan doonaan shaashadaha caalamka meydadka wiilashooda sida uu hadalka u dhigay,”

“Dowladn xunta ah ee Sierra Leone waxaan uga digeynaa in ay yimaadaan dhulkeena, wiilashooda waxay ku halaagsami doonaan keymaha Kismaayo, baqtigoodana shaashadaha caalamka ayaa laga daawan doonaa, hadii kale haka joogeen yeysan wiilashooda kusoo haligin dhulkeena,” ayuu yiri.

Sierra Leone ayaa lagu wadaa in bisha soo aadan ay ciidamo gaaraya 2,000 oo askari usoo dirto dalka Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan howlgalka nabad ilaalinta ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM).

Howlgalka AMISOM ayaa waxaa haatan ka qeybgalaya dalalka Uganda, Burundi iyo Jabuuti.


Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.