Cali Dheere: Dalkan laba dowlad ayaa ka jirto, dowlada ridada ah iyo dowlada Shabab ee Islamiga ah (Dhageyso)

Afhayeenka Al Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa sheegay in Soomaaliya ay haatan ka jirto labada dowladood oo midi ay tahay dowlad Islaami ah tan kalana tahay dowlad gaal ah.

Hadal uu ka jeediyey degmada Qansax dheere oo uu kula hadlayey odayaasha beesha Hubeer oo ay heshiis kala saxiixdeen, ayuu ku sheegey in Al Shabaab ay haatan maamusho in ka badan 3,000 km.

“Soomaaliya waxaa ka jira laba dowladood, dowlad taagdaran oo gaalada ay wadato, iyo dowlad Islaami ah oo hadafkeedu yahay in ILAAH lagu caabudo dhulkaan, anaga ALLE wuxuu nagu maneystay in aan maamulno 3,000 oo KM,” ayuu yiri.

Al Shabaab ayaa sheegay in ay heshiis kala saxiixdeen beesha Hubeer oo ka mid ah qabaa,ilka Mirifle ee daga gobolada Bay iyo Bakool, heshiiskaasi ayaa ah in ay beesha safka dagaalka kula biirto Al Shabaab.

Beesha Hubeer ayaa dagto magaalada Qansaxdheere ee gobolka Bay.