Cali Dheere: ‘Dagaalka Muqdisho wali ma dhamaan’

Afhayeenka Al Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay in aysan dhamaan doonin dagaalada ay Shabaabka ka wadaan magaalada Muqdisho.

Cali Dheere oo Axadi kula hadlay wariyaasha deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa ka hadlay dagaaladi ugu danbeeyey ee magaalada Muqdisho isaga oo guulo ka sheegtay.

“Muqdisho maalmahan dagaalo ayaa ka jiray waxaana runti qasaaro xoog leh ku gaarsiinay ciidamada AMISOM, dagaalada waxay ka socdaan, Kaaraan, Huriwaa, Yaaqshiid iyo meelo kale, mujaahidiinta waxaan leenahay waad difaacdeen dalka gaaladana waad ka awood roonaateen,” ayuu yiri.

Dhanka kale wuxuu marki ugu horeysay qiray in Al Shabaab ay dagaalo ka wado gobolka Bari ee uu ka taliyo maamulka Puntland.

Wuxuu sheegay in dagaalo ay halkaasi kula galeen Puntland ay kaga dileen in ka badan 30 askari sida uu hadalka u dhigay.
“Dagaalo culus ayaa ku dhexmaray gobolka Bari kooxda Ashahaado la dirika ee isku magacawfay Puntland iyo mujaahidiinta, runti qasaaro xoog leh ayaa gaaray Ashahaado la dirirka iyaga oo ku qasaaray 32 nin, dagaalkan hadafkiisa waa in aan difaacno diinta Islaamka,”

Al Shabaab ayaa dagaalki Jimcihi lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho ku lumiyey goobo muhiim ah sida Xeradi Maslax, Xaafada Suuqa Xoolaha iyo fariisimo kale.