Cali Dheere: “Dagaaladii ugu Dambeeyay ee aan la Galnay Cadowga khasaaro Badan ayaan ku Gaarsiinay”

Afayeenka guud ee xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ka hadlay dagaaladii ugu dambeeyay ee ay la galeen ciidamada Dowlada Soomaaliya, AMISOM, kadib shir jaraa’id oo uu qabtay.

Cali Dheere ayaa ka hadlay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaano badan oo ka tirsan Gobolada dalka, wuxuuna xusay in ciidamada dowlada iyo kuwa amisom ay gaarsiiyeen khasaaro badan.

Afayeenka ayaa sheegay weeraro ay ku qaadeen magaalooyinka kala ah Muqdisho, Marko, Walaweyn, Leego, Boosaaso ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen ciidamadii ka soo horjeeday.

Cali Dheere ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada AMISOM ay guuldareysteen, isagoo carabka ku adkeeyay inay iyagu guusha raaci doonto mar dhow.

Ugu dambeyna afayeenka Alshabaab ayaa baaq cod dheer ah u diray shacabka ku nool magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso, isagoo ka dalbaday inay la shaqeeyaan xarakada, lana dagaalamaan kooxaha heysta dhulka Soomaaliya, waa sida uu hadalka u dhigay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. dhibka aad ku haysaan ummada ilaahay ha idin qabto gacan illaahay hoos allah idin geeyo dhamaataan burbur kala go go hadinku dhaco oo aan laga soo kabmaynin aamiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here