Cali Ameeriko:Waa jiraa Kufsi ay ciidanka Kenya u geystaan qaxootiga Soomaaliyeed

Safiirka wadanka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameerika, ayaa mar uu ka hadlayay warbixin ay shalay soo saartay hay’ada QM u qaabilsan xuquuqul aadanaha, taasoo ku aadan in Booliska Kenya ay tacadiyo kula kacaan qaxootiga Soomaaliyeed, Cali Ameeriko ayaa qiray in ay jiraan falal Kufsi ah oo ay booliska Kenya u geystaan haweenka Soomaaliyeed ee qaxa ku garay dalkaas.

Safiirka ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah aysan dhibaatooyinka kala sineen, dadka kale ee qaxootiga ku ah wadankaas, waxaana uu sheegay in haweenka Soomaalida ay Kufsadaan Ciidanka Booliska Kenya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Cali Ameeriko ayaa sheegay ineey jiraan rag katirsan Booliska Kenya oo u xiran falal Kufsi ah oo ay ka geysteen xeryaha qaxootiga Soomaalida, waxaana yy carabaabay in ragas hada ay ku socdaan baaritaano.

“Waan ka xunahay marnaba raali kama noqon doono in qof Soomaali ah dhib loogu geysto dalka KENYA” ayuu yiri safiirka.

Marka uu dhib ka dhaco dalka KENYA,sida qaraxyada iyo dilalka, ayaa Ciidamada Kenya waxay bartilmaameedsadaan dadka Soomaaliyeed ee sida qaxooti ahaanta u dagan dalkaas, iyagoona kula kaca falal isugu jira, jirdil, Kufsi iyo dhac.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here