Madaxweynaha Puntland oo lagu caleemo-saaray Garoowe

Caleemo-saarka madaxweyne Cabdweli Gaas oo ka socda Garoowe
Caleemo-saarka madaxweyne Cabdweli Gaas oo ka socda Garoowe

Magaalada Garoowe waxaa maanta oo Jimco ka dhacday xaflad lagu caleemo-saarayay madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali.

Xafladda oo ka dhacday xarunta PPRC ayaa waxaa ka qeybgalay wakiillo ka socda Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, madax ka socota dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, maamul-goboleedyada Soomaaliya, ururada bulshada  iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Puntland oo xafladdii caleemo-sarka ka hadlay sheegay in muddada uu joogo xafiiska uu ku dedaalayo sidii uu ku horumarin lahaa Puntland.

Gaas ayaa u mahadceliyey hoggaankii ka horreeyey ee maamulka, dadweynaha Puntaland iyo marti-sharafta ka qaybgashay caleemo-saarkiisa.

Madaxweynaha xilka banneeyey ee Puntland, Cabdiraxmaaan Maxamed Maxamuud Faroole oo hadlay ayaa tilmaamay in horumarka Puntland ay saldhig u yihiin nabadgalyada iyo maamul-wanaagga, loona baahan yahay in maamulka cusubi uu sii dardargaliyo.

Wakiilka Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nikolas Kay ayaa isaguna bogaadiyay madaxda iyo shacabka Puntland, wuxuuna sheegay in xafiiskiisu la shaqaynayo Puntland iyo guud ahaanba Soomaaliya.

Cabdiweli Maxamed Cali ayaa 8-dii bishan loo doortay inuu noqdo madaxweynaha maamulka Puntland ee shanta sano ee soo socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here