Calanka kaliya ee aan Maalin ugaar ah lahayn!!!

Muddo kudhaw 20 sano ayuu calanka deegaanka Soomaalidu ka dul babanayaa guud ahaan gobolka Deegaanka Soomaalida magaala walba iyo dhamaan xafiisyada deegaanka.

Waxaa ka hoos shaqeeya calankan kuna mushaar qaata dad gaadhaya 40 kun oo Soomaaliyeed kana soo jeeda deegaanka.

Calankani waxuu waxbaraa malaayiin arday ah oo deegaanka udhashey isagoo sidoo kalena maamula mashaariic badan oo aan tiro lahayn iyo ciidamo kala jaad ah oo dhamaantood u taagan sugidda amniga magaalooyinka iyo miyiga.

Calankani waxuu leeyahay baarlamaan ku dhaw 200 oo xubnood iyo kudhawaad 20 meeyo madax xafiiseed oo ay ku baxdo miisaaniyad aad uculus.

Calankan waxaa soo maray madaxweynayaal badan midwalbana waxuu ku guuldareystey inuu asteeyo maalin loo dabaaldago shaqadana looga fadhiisto calanka Deegaanka. Maalin qurba joogta deegaanku isugu yimaaddaan kuna hirtaan oo ay sugaan.

Maalin dhalinyarada iyo caruurta soo koreysaba ay bartaan calankooda ayna la kulmaan ehelkooda iyo inta ay dalka wadaagaan. Maalin dal iyo dibad, tuulo iyo dagmaba laga dabaaldago.

Sidoo kale calankani waxuu u hiraa una hillaacaa kumayaal kasoo jeeda deegaanka Soomaalida oo ku baahsan qurbaha iyo daafaha caalamka dhamaantoodna ku faana iney leeyihiiin calan iyo karaamo ku asteysan geeska Afrika gaar ahaan dalka Ethiopia.

Su aashu waxaa weeye haddii madaxda deegaanku ay daacad ka tahay ayna jecelyihiin calankooda quruxda badan waxey ahayd iney xusaan isla markaana asteeyaan maalinta Calanka deegaanka oo ah maalinkii loo dhaariyey madaxweynihii ugu horeeyey Deegaanka illaahay ha unaxariistee Cabdullahi Maxamed Sacdi.

Maysan dhicin hadda ka hor, waxaanse xukuumadda deegaanka ee hadda talisa hormuudkana ka yahay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar laga sugayaa in maalinkaas sida ugu dhakhsaha badan la ansixiyo baarlamaankuna ka doodo isla markaana lagu daro maalmaha fasaxyada shaqaalaha deegaanka Soomaalida.

Abdullah Hassan garoowe1@gmail.com