Calan uu yeesho maamulka Jubaland oo maanta Kismaayo laga taagay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo, ee xaruunta gobolka Jubada Hoose, ayaa waxay sheegayaan in maanta magaaladaas lagu qabtay munaasabad lagu suray Calanka cusub uu yeelanayo maamulka Jubaland.

Magaalada Kismaayo, ayaa sidoo kale waxaa maanta gaaray ilaa iyo 3 wafdi, kuwaas oo u diyaar ah ineey ka qayb galaan shirka halkaas ka soconaya kaas oo la doonayo in lagu sameeyo maamul loogu magac darayo Jubaland.

Wafdigii ugu horeeyay ee halkaas gaara maanta, ayaa waxaa hogaaminayay Shiikh Ibraahim Maxamed Shakuul, oo ah ganacsade si weyn looga yaqaano dalka Kenya, islamarkaasna Hotelo waa weyn ku leh magaalada Nairobi, gaar ahaan Xaafada ay Soomaalida ku badantahay ee Islii.

Shiikh Ibraahim, ayaa sheegay inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka madaxweyninimo ee Jubaland.

“Waxaan marka hore u hanbalyeenaya shacabka reer kismaayo, iyo Ergada ka qayb galaysa shirka maamul u sameynta Jubaland, iyo sidii ay u ansixiyeen dastuurka uu yeelanayo mamulka Jubaland” sidaa waxaa yiri musharaxa shegay inuu u taaganyahay qabashada xilka madaxweynaha maamulka Jubaland, Shiikh Ibaraahim, Shukul.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. Asc,Addunyada waxaa ugu daran Dad aad moodeyso iney kula jiraan haddana si ka duwan u dhaqma oo danahooda keliya ka fakira, kuwasna waa ku hadda ku shiray Xaafadaha kismaayo oo isku magacaabay jubaland, iyo kuwa u soo diray wafood ka socota qabiil,weli waxaaka soo dhex baxay oo xaqqiiqdooda qabyaaladeed banaanka soo baxday kuwo ka noqday R/wasaare Soomaali ah, Haddaba dadkaas oo kale waa ka daranyihiin Cadowga hadda muuqda, waa inaan meel ka soo wada jeesanaa haday damiir soomaalinimo iyo midno ku jirta nagu dambeeso, waa inaan talada dadka aan u dhiibanay kaga dambeynaa. Afandiino

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here