Muqdisho: CAF oo Soomaaliya ka caawinaysa aqoonta macallimiinta iyo..

Somalia-Muqdisho: Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta qaaradda Afrika ee Axmed Axmed oo shaley booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho, ayaa balan qaaday in uu doorweyn ka qaadan doono horumarinta Sports-ka Soomaaliya.

uddoomiyaha xiriirka kubadda cagta qaaradda Afrika ee Axmed Axmed oo shaley booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho
uddoomiyaha xiriirka kubadda cagta qaaradda Afrika ee Axmed Axmed oo shaley booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho

Wuxuu booqday garoomada cayaaraha sida Stadium Mogadishu oo hadda ah saldhig ciidamada AMISOM iyo garoonka Koonis halkaasoo uu ku soo arkey cayaartoy iyo macallimiin kubadda cagta ah.

Wuxuu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu soo booqdo Muqdisho isla markaana uu arko heerka kubadda cagta dalka uu marayo.

Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta CAF ayaa ballan qaaday in uu horumarin doono aqoonta garsoorka iyo macallimiinta kubadda cagta Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu ballan qaaday in AMISOM laga saari doono tuulada Sports-ka ee Stadium Mogadishu si loogu qabto noocyadii cayaaraha ee lagu qaban jiray.

Waa mas’uulkii ugu sareeyay ee CAF ka socda oo Muqdisho soo booqda muddo dhow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here