CAF oo amaantay horrumarka Kubadda Cagta Jabuuti

Guddoomiyaha  xiriirka kubadda cagta ee dalka Djibouti Mudane Suleiman Hassan Waberi oo safar shaqo oo rasmi ah ku jooga xarunta guud ee xiriirka kubadda cagta Africa ee magaalada Qahira ayaa la kulmay Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta ee qaarada africa (CAF) Mr. Isse Hayatou  iyo xogahaya guud mudane Hicham El Amrani  waxaanay masuuliyiintu ka wada hadleen qodobo muhiima.

Sida uu ku sheegay war saxaafadeed uu soo saaray  Guddoomiyaha xidhiidhka kubada cagta Djibouti mudane  Souleiman Hasssan Waberi wuxuu ku sheegay inay labada dhinac isla soo qaadeen qodobo la xidhiidha kor u qaadida iyo dhiirigalinta kubada cagta ee wadankan geeska Africa ku yaala halkaasoo madaxda xidhiidhka Kubada Cagta (CAF) ay balan qaadeen in ay ka caawinayaan xidhiidhka
kubada cagta Djibouti siduu guul uga gaadhi lahaa  dedaalka iyo mashaariicda horumarinta kubada cagta ee  ay wadaan xidhiidhka kubada cagta Djibouti.

“Waxaanu u bandhigtay madaxa CAF iyo xoghaya guud qoraal xambaarsan dhamaan qorshayaasha u diyaarsan sanadkan in ay fuliyaan kaasoo sharaxayaa baaxadda hawsha aanu fulinayno si kor loogu qaado hagaajinta iyo horumarinta kubada cagta  ee Djibouti” ayuu ku sheegay war saxaafadeedkaas madaxa xidhiidhka kubada cagta Djibouti.

Wuxuu kaloo sheegay in ay madaxda xidhiidhka kubada cagta ee qaarada Africa ay ku booriyeen guulaha ay muujiyen xidhiidhka Djibouti iyo dhawaan dhacdadii taarikhiga ahayd ee ay qaadeen ciyaar yahanada kubada cagta Djibouti iyo mutadawaciinta ka shaqeeya kubada cagta ee wadanka Djibouti iyo sida oo kale  barnaamijkii ugu waynaa ee shacabka lagu horumarinaayay taasoo ay bilaabeen xidhiidhku bishii ina soo dhaaftay ee Janaayo sanadkan 2013.

“Wuxuu sheegay madaxa Xidhiidhka qaarada Africa ( CAF) waanu u hanweyn yahay  dalka Djibouti wixii awooddayda ah  anigoo ah madaxa (CAF) waxaan balan qaadayaa inaan ka caawin doono hormarinta xidhiidhka kubada Cagta ee Djibouti, waxaanu aad ugu farax sanahay mashaaricda horumarinta ah ee ay qaadeen xidhiidhka Djibouti ilaa iyo
hadda waanu nana ku dhiiri galinaynaa talaabooyinka ay qaadeen si kor loogu qaado kubada cagta”sidaasuu u sheegay madaxa CAF waftigii  ku booqday xarunta  qahira.

Kani wuxuu ahaa safarkii shaqo ee ugu horeeyaya ee madaxda Xidhiidhka kubadda cagta Djibouti ay ku tagaan xarunta xidhiidhka kubada cagta ee
qaarada Africa tan iyo intii loo doortay madaxa xidhiidhka kubada
cagta ee Djibouti Mudane Souleiman Hassan Waberi oo ay ku weheliyaan
safarkan shaqo kuxigeenka kowaad ee xidhiidhka  mudane Mohamed Yacin
Yonis iyo qasniga xidhiidhka kubadda mudane Cali Harred Maxamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here