Cadde Muuse oo dhaliilay xisbiyada siyaasadda ee Puntland Dhagayso

Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Puntland General Cadde Muuse Xirsi, ayaa sheegay in xiligaan aysan Puntland ka hirgali Karin hanaanka xibiyada badan, oo taasina ay ugu wacantahay iyadoo aysan jirin shuruucdii xisbiyada badan lagu furan lahaa, iyo waliba amni darro kajirta Puntland.

General Cadde Muuse, ayaa isagu soo jediyay in bisha October lakala diro baarlamaanka Puntland, si beeluhu ay usoo doortaan dadkii matali lahaa.

Madaxweynihii hore ee Puntland, ayaa maamulka haatan kajira Puntland waxa uu ku eedeeyay, ineey qorsho dhex dhexaadin ah isaga iyo Odoyaal ay kawaden maamulka iyo mucaaradka, laakiin doowlada ay ka gows adeegtay.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in sababta uu horey u hadli waayey ay tahay maadaama uusan dooneyn in dhibaato iyo qalalaaso ay ka dhacdo Puntland. Gen.Cadde Musse ayaa digniin u diray dowlada una sheegay inaysan si khaldan u fulin nidaamka dimuquraadiyada.

Halkaan ka dhagayso Codka Generaalka:https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/05/Shirka-Jaraaid-ee-Gen-Cadde-Muuse-Xirsi-1.mp3

Cadde Musse oo ka hadlaya arrimaha Xisbiyada ayaa yiri “…Waa rabnaa Xisbiyada iyo dimuqraadiyada balse Sharciyadii la rabay lama sameyn Mala sameyn Diiwaangelintii, Lama sameyn Xuduudihii, lama sameyn Aqoonsigii…Hada waxaa jira rag magaalooyinka loo soo diray inay Sanaadiikh codod ku shubtaan, waxaas wax soconaya maaha, Shacabkana yeysan ka yeelin in shaqsi ama koox tiraaho sidii aan rabno baan yeelaynaa….”

Halkaan ka aqriso warsaxaafadeedki oo dhamaystiran:

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. cade muuse ma saxanyahay mase waa khaldanyahay
    waxaan qabaa wuxuuu qarinaayey ayuu soo daayey
    waxaan leenahay arimaha puntland waa muqadi in
    lahawada shaqeeyo nabadana loo hogaansamo
    lana dhawro xasiloonida dhamaan puntland iyo
    soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here