Cadde Muuse: “In xalinta colaada Gaalkacyo loo aado Kismaayo waa nasiib darro”

cade muuseJen. Cadde Muuse Xirsi Madaxweynihii hore ee Puntland , ayaa ayaan darro ku tilmaamay colaada ku soo laab-laabato magaalada Gaalkacyo, isagoo ugu baaqay dadka ku nool Mudug inay nabad ku wada noolaadaan.

“Dadka wada degan ayay dan waxay ku jirtaa inay Nabada iyo wanaag ku wada noolaadaan, maanta wixii dhacay waa ku faraxsanahay in heshiis la gaaro, laakiin ma aqaan sida uu ku hirgeli karo, inta go’aan la gaaro, misana xabadii subaxdii bilaabaneyso”ayuu yiri Jen. Cadde Muuse.

Sidoo kale waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in xalinta colaada Gaalkacyo loo aado Kismaayo, halkii horay lagu xalin jiray Muqdisho iyo tuulooyinka u dhow Gaalkacyo.

20-ka bishan ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka dhaco wajiga labaad ee wada hadalada Puntland iyo Galmudug ee xalka looga gaarayo colaada Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here