Cadan: Maraakiib ay Soomaaliya leedahay oo khatar ku jira

Wararka naga soo gaarayo magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa sheegaya, in Afar maraakiib oo ay lee dahay Soomalaiua in ay ku sugan xaalad khatar ah, kaddib markii mid ka mid ah ay biyo soo galeen gudihiisa.
Sarkaal u hadlay qunsuliyada Soomaaliya ee Cadan ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Yemen ay ku amartay in sida ugu dhaqsiyaha badan maraakiibtan looga qaado dekedda, maadama ay keeni karaandhibaato wayn oo curyaamin karta dekedda oo dhan.
Markabka Cusmaan Geedo Raage oo ay ku xiran maraakiibta kale ee ah 21-October, 1 iyo2 ay iyana qarka u saaran yihiin in ay degaan.

Dowladda Yemen ayaa go’aamisay in maraakiibtan afarta ah oo ay Soomaaliya leedahay oo muddo ku xirnaa dekedda kalluumeysiga ee magaalada Cadan halkaasi laga fogeeyo, kadib markii ay timid cabsi la xiriirta in maraakiibtaasi ay quusaan.

Qunsulka Soomaaliya ee Cadan ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya, in si degdeg ah jawaab uga soo bixiso go’aanka ay soo saartay dowladda Yemen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here