Cadaado: Xildhibaano diyaarinaya mooshin ka dhan ah Guuleed

Madaxweynaha Galmudug Guuleed
Madaxweynaha Galmudug Guuleed

Xildhibaano ka tirsan maamulka Galmudug, ayaa lagu soo waramayaa ineey diyaarinayaan mooshin ka dhan ah Madaxweynaha maamulkaas Cabdi Kariin Xuseen Guuleed.

Qorshaha Mooshinkaan ayaa hada si xoogan uga kala socda magaalooyinka Muqdisho iyo Cadaado. warar hoose ayaa sheegaya in sababta mooshinkaan ka dambeysa ay tahay kadib markii uu madaxweyne Guuleed maalmahaan uu ku faraq xirtay iskuna soo dhawaadeen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, kuwaasoo wada isbahaysi ay doonayaan in nidaamka qaab deegaan wax lagu soo xulo lagana gudbo 4.5

Sidoo kale qaar kamid ah Xildhibaanada Galmudug, ayaa ka careysan in mudane Guuleed uusan waxba la tashi arimaha Galmudug kala sameyn Xildhibaanada, islamarkaasina uu ka meer meerayo la kulanka Xildhibaanada.

Sidoo kale wararku waxay sheegayaa in Xildhibaano ka tirsan maamulka Galmudug oo Jooga Muqdisho ay ku wajahanyiiin magaalada Cadaado, si ay u xoojiyaan ololaha Mooshinka.

Xildhibaanada hada wada ololaha Mooshinka, ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay ilaa 28 Xildhibaan, waxayna xusul duub ugu jiraan ineey sii dardar geliyaan ololahooda islamarkaasina ay helaan taageerada Xildhibaano kale.

1 COMMENT

  1. Xildhibaanadda gal-mudug malaha dhaqanka foosha xun ee looga bartey kuwa xamar joogo.

    Waxaa muhiim ah midnimo.com inaad shacabka gal-mudug ka deysaan kala qeybinta dhexdooda ah & abuuridda jawi isfaham la’aan oo cusub, Kaasi oo aan hadda wax dan ah ugu jirin Horumarka Gal-mudug state of somalia & habsami u socodkeeda dowladnimo..

    Mudane Ckariin, markasta waxaa waajib ka saaran inuu ka shaqeeyo wixii danta umadda Soomaaliyeed ku jirto si loo gaaro midnimo Soomaaliyeed.

    Waad mahadsan tihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here