Cadaado: Shirka maamul u samaynta G/dhexe oo furmay

11156350_10153269271693384_236691726641096322_nWaxaa daqiiqado ka hor Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ka furmay Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe, inkastoo shalay la muddeeyay inuu ka qabsoomo Magaaladaasi, balse uu dib u dhac ku yimid.

Ergada, Odayaasha Dhaqanka iyo musharaxiinta, ayaa soo buuxiyay madasha loogu talla galay inuu ka qabsoomo shirka, iyadoo uu goor dhow uu gudaha u soo galay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha, ayaa bilaabay inuu halkaasi ka jeediyo khudbadii uu ugu talla galay, Madaxweynaha ma aanu soo hadalqaadin waxa sababay in shirka uu dib uga dhaco xilligii loo muddeeyay.

Suxufiyiinta, ayaa soo sheegaaya in kulamo is daba joog ahaa ka dib leesku waafaqay, inaanu markale dib u dhac ku imaan shirka, maantana uu si rasmi ah kaga furmo Magaalada Cadaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here