Cadaado: Mid kamid ah Ergooyinka wax dooranaya oo la toogtay

amisom cadaadoCiidamada AMISOM ee ilaalada ka haya xaruunta madaxtooyada Cadaado, ayaa goordhow toogasho ku dilay mid kamid ah Ergooyinka wax dooranaya.

Wararka waxa ay sheegayaan ciidamada inay toogteen ruuxaan, kadib markii uu ku hor booqay Afaafka hore ee xarunta Doorashada ay ka socotay ee Magaalada Cadaado.

Ruuxa ay dileen ciidamada AMISOM ayaa magaciisa lagu sheegay C/laahi Caraale Dubad, waxaana uu ka mid ahaa Ergada Beesha Abakar Murursade.

Ninkaan ayaa ku hor buuqay Xarunta Doorashada horteeda, isaga oo ku dhawaaqayay erayo ku aadan inuu jiro Musuq maasuq ergada lagu xareystay, balse ciidamada ammaanka ayaa rasaas ku furay.

Xarunta Doorashada Magaalada ayaa waxaa ka taagan buuq ku aadan ciidamada ammaanka dilka ay u geysteen ruuxaasi ka tirsanaa Ergada ku sugneyd Magaalada Cadaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here