Cadaado: Gaafoow walaalkiis oo la doortay

gafa_13Waxaa mar kale saaka magaalada Cadaado ka sii socota doorashooyinka xubnaha aqalka hoose ku metelaya maamulka Galmudug.

Musharaxa C/qaadir Gaafow Max’uud ayaa ku soo baxay doorashadii ugu horeysay ee saaka ka dhacday Cadaado, isagoo ku guuleystay kursiga beesha Habar-ceyno oo ka tirsan beelweynta Murusade.

Cabduqaadir ayaa la dhashay taliyaha hay.ada nabad sugida qaranka Somalia General Gaafow oo asagana ku sugan Magaalada Cadaado.

gafa_12

Guusha C/qaadir Gaafow Max’uud ayaa ka dambeysay ka dib markii ay u tanasuleen musharaxiintii kula tartameysay kursigan oo kala ahaa C/qaadir Shoobaay iyo C/qaadir Caraale, oo labaduba cadeeyay in hankooda kursiga Aqalka hoose ay ka tanaasuleen.

Ergooyinka ka qeyb galayey doorashadan ayaa tanaasulka ka dib u codeeyey C/qaadir Gaafow Max’uud oo ah nin la dhashay taliyaha nabad sugida iyo sirdoonka Somalia Jen. C/llaahi Gaafow Max’uud.

gafa_5

Doorashooyinka Xildhibaanada cusub ee baarlamanka Somalia ayaa si habsami leh uga socda xarumaha maamul goboleedyada dalka, waxaana illaa hadda ku soo baxay musharaxiin badan , iyadoo kuwa harsana la kala dooran doono saacadaha iyo maalmaha soo socda.

Isha:Mudug24

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here