Cabsi ka taagan Balcad kadib hanjabaadii AMISOM


Cabsi ayaa ka jirto degmada Balcad kadib marki ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada KMG ay bilaabeen dhaq dhaqaaq dagaal oo ay ku weerarayaan.

Wararka aanu ka heleyno furumaha dagaalka ee aaga waqooyi ayaa sheegaya in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay horay u dhaqaaqeen oo ay waxoogaa yara uga durgeen deegaanka Ceel Cirfiid.

Taliyaha AMISOM ee howlgalka Shabeelooyinka ayaa shalay sheegay in dhawaan ay qabsan doonaan degmada Balacad ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaas oo uu sheegay inuu noqon doono gaba gabada howlaglkooda koowaad.

“Howl galka labaad waxaa uu ku wajahan yahay Balcad, wuxuu qeyb ka yahay qorshihii Afgooye lagu qabtay”ayuu yiri Taliyahan.

AL Shabaab ayaa iyaguna wado dhaq dhaqaaq ay ku doonayaan in ay isku difaacaan, hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya in AL Shabaab ay qorsheynayaan in aysan ku dagaalamin gudaha degmada.