Cabsi ka jirto magaalada Jowhar iyo Sheekh Kaba Kutakade oo u hanjabay AMISOM

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in halkaasi laga dareemayo dhaq dhaqaaq ciidan iyo cabsi soo wajahday shacabka.

Arintani waxay ka danbeysay kadib marki ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay shalay la wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe oo muhiim u ah isku xirka Muqdisho iyo gobolkaasi.

War kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in ay shalay gacanta ku dhigeen deegaanada xeebaha ah ee gobolkaasi sida Dakada Ceelmacaan oo ay horay u joogeen Al Shabaab.

Laakin arintaan waxaa ka jawaabay gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe ee Xarakada Al Shabaab, Sheekh Yusuf Ciise Kabakutukade ayaa sheegay in AMISOM ay u celin doonaan dhujeysyadi ay ka yimaadeen.

Wuxuu sheegay in ay gelin doonaan cadaab daran hadii ay soo gudbaan degmada Balcad iyo deegaanada kale ee gobolka.

Shalayna gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlada KMG Soomaaliya, Cabdi Jinow Calasow ayaa sheegay in ay gaari doonaan maalmaha soo aadan magaalada Jowhar.

1 COMMENT

  1. Beenloow kabekutukade, waqtigii Diinta la wasaqeyn jirey waa dhamaatey, dadka waxeey Doonayaan Dowlad iyo kala danbeeyn.
    Beenta dhaaf mr kabekutukade

Comments are closed.