Cabsi dagaal oo laga dareeymayo degmada Afmadow

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in saan saan colaadeed oo xoog leh laga dareemayo degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Cabsidan ayaa ka danbeysay ka gadaal marki ay shalay ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya la wareegeen.

Xarakada Al Shabaab oo maamusha deegaanka Afmadoow ayaa la sheegayaa in ay geeyeen ciidamo dheeraad ah si ay u difaacdaan magaalada, saacado kadib marki shalay ay ay ku lumiyeen gacanka ciidamada kasoo horjeeda degmada Badhaadhe.

Dhanka kale cabsi ayaa laga dareemayaa degmada Bu,aale ee xarunta gobolka Jubada Dhexe taasi oo la xiriirta in ay ku dagaalamaan ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya iyo Al Shabaab.

Afhayeenka ciidamada milatariga Kenya ayaa ku hanjabay in ay qabsan doonaan dhamaan deegaanada gobolada Jubooyinka, gaarahaan magaalada Kismaayo oo ah halka ugu muhiimsan ee bartilmaameed u ah Kenanka.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.