Cabdullahi Shiikh Xasan oo Madaxweynaha ugu baaqay in uu is casilo

Cabdullahi Shiikh Xasan oo Madaxweynaha ugu baaqay in uu is casilo
Cabdullahi Shiikh Xasan oo Madaxweynaha ugu baaqay in uu is casilo

Magaalada Muqdisho waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay siyaasi Abdullahi Sheikh Hassan, wuxuuna ka hadlay baaqa ka soo baxay saley xildhibaanada baarlamaanka kaasoo ku aadanaa is-casilaad laga dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kaddib markii ay sheegeyn in uu ku guuldarreestay wax yaabaha uu ballan qaaday.

Wuxuu ugu baaqay xildhibaandii shalay shiray  inay mooshin u badalaan dalabkoodi ku aadana inuu is casilo Madaxweynaha dalka .

Cabdullahi Sheikh Hassan sidoo kale sheegay in ay muuqato raadadka wax qabad la’aan ee dowladda Xassan Shiikh Maxamud , waxa uuna ugu baaqay Madaxweynaha dalka in uu u dhaga nuglaado baaqa xildhibaanada baarlamanka qaar ay u direen.

Arintan ayaan la ogayn sida ay ku dambayn karto , hase ahaate waxa ay u muuqata in dowladda xasan ay wajahayso cadadis kaga imaanaya xildhibada baarlamanka qaar  ka mid ah.

Hadalka Cabdullahi Shiikh Xasan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli maalintii shalay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay ku wargaliyaan in uu is casilo hadii kale ay mooshin ka geenayaan Baarlamaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here