Cabdiweli Gaas oo lagu wareejiyay xilka +Sawirro

201411463525275930690946916

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta xilkii ku wareejiyay madaxweynaha cusub ee doorashada ku guuleystay Cabdiweli Maxamed Cali, kaddib markii xaflad lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in uu ku wareejiyay Cabdiweli xarunta madaxtooyada iyo mashaariicda horumarinta ah ee ka socda Puntland oo ay ka mid yihiin garoomada diyaaradaha ee Boosaaso iyo Garoowe,  dhismaha Jaamacadda Maakhir iyo mashruuca dayactirka waddada dheer ee isku xirta Boosaaso iyo Gaalkacyo.

1

2

3

4Cabdiraxmaan Faroole ayaa u soo jeediyay dadka ku nool deegaannada maamulka in ay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub.

Ugu dambeyntii wuxuu ugu baaqay dadweynaha reer Puntland in ay midnimadooda ilaashadaan, islamarkaana ay si fiican ula shaqeeyaan dowladda cusub ee shanta sano ee soo socota uu hoggaamin doono Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Cabdiweli Maxamed Cali oo xafladda ka hadlay ayaa u mahadceliyay Faroole oo uu ku ammaanay waxqabadkii uu muujiyay shantii sano ee uu hayay xilka madaxweynennimo ee maamulka Puntland.

Ra’yigaaga ka soo dhiibo?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here