Cabdiw Qeybdiid oo ka badbaaday weerar is qarxin ah

Nin isku xoo xiray walxaha qarxa ayaa goor dhaweyd weeraray guriga General Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) kaasi oo ku yaala Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Ninka isa soo miidaamiyey oo sida la sheegay hubeysnaa ayaa soo abaaray albaabka hore ee guriga halkaas oo rasaas ay isku weydaarsadeen ilaalada kadib uu is qarxiyey.

Waxaa soo baxya warar kala duwan oo sheegaya qasaaraha ka dhashay weerarkaasi, hase yeeshee waxaa la xaqiijiyey inuu ka badbaaday isku daygaasi dil Mr Qeybdiid oo sida la rumeysanyahay ahaa bartilmaameedka weerarka.

Wararki ugu danbeeyey ee aanu halkaasi a heleyno ayaa sheegaya in weerarkaasi ay ku dhinteen 3 ruux oo u badnaa ilaalada guriga sidoo kalana ninki isa soo miidaamiyey ayaa isna dhintay.

Wali ma jirto cid sheegatay weerarkaasi.

Wixi soo kordho dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.