Cabdikariin: Gobalada Maamullo KMG ah Ayaan u Sameynaynaa {Dhagayso}

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed oo shalay booqasho ku tagay magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan, ayaa sheegay in dowladdu ay gacanta ku hayso hanaankii ay maamul dadku raali ka yihiin ugu sameyn lahayd gobalda dalka, ka horna ay gobalada dowladdu ka taliso ay u sameyn doonto maamullo ku meel gaar ah.

Xukuumada Cusub ee uu hogaamiyo RW Saacid ayaa beryahanbo ku howlaneed maamul usamaynta gobolada laga saaray Al-sahabaab.

Wasiirka ayaa intii uu joogay Baladweyne waxa uu la kulmay masuuliyiinta gobalka iyo ciidamada AMISOM, waxa uuna kala hadlay amaanka gobalka iyo sidii looga hortagi lahaa dilalka qosheysan ee loo geysto dadka rayidka ah iyo waxgaradka gobalka.

Laba habeen kahor ayay ahayd markii kooxo hubeysan ay magaalada B/weyne ku toogteen madaxii odoyaasha dhaqanka G/hiiraan, sidokale waxaa dil loo gaystay 3 kamid ah jamaacada Takfiirka oo halkaas daganaa.

Halkaan ka dhagayso wareeysiga wasiirka: wasiirka arimaha gudaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here