Cabdi-wali: Xamar wax kasto ayaa lagu bilileqaystay+Dhagayso

 

Raiisul_wasaare_Cabdiweli_Sheekh1
Raiisul_wasaare_Cabdiweli_Sheekh1

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Gudoomiyaha madasha midnimada iyo dimuqraadiyada Soomaaliyeed Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay in Xamar lagu bililiqaystay wax kasta oo ay Soomaaliya lahayd.

Cabdiweli Sheikh Axmed Maxamed oo ka hadlayay kulan uu la qaatay dhalinyarada Puntland ayaa sheegay in magaalada Muqdisho lagu bililiqaystay wax kaste oo ka dhaxeeyay ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan idiin sheegaynaa Xamar waxaa ka jiray intaan ahaa raysal wasaaraha shan kun oo ururo dhalinyaro ah oo mid kasta uu leeyahay waxaanu nahay ururka dhalinyarada qaranka Soomaaliyeed, waligoodna ma aysan soo dhaafin Boondheere iyo Kaaraan.  Marka koox walba waxbay boobday.

Qaar waxay boobeen magacii ummadda u dhexeeyay. Qaar gurihii ayay bililiqaysteen, qaarna kalena waxay boobeen magacyadii ururada.” ayuu yiri raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya.

Halkan ka dhagayso:

1 COMMENT

  1. waxey ila tahay ninkaan inowsan astaahilin in loo jawaabo
    waxaanse dhihi lahaa dhalinyarada reer puntland ninkaan cudurka owqabo yowsan idinku ridin.
    dhalinyarada soomaaliyeed meelkastooy joogaan waa walaalo iyagaana laga rabaa ineey wadankooda sharaftiisi soo celiyaan,hadey jirto in qaarka mid ah qaladka dhacana waxaa waajib ah in ay dhaxdooda is waansadaan,
    waxaa waano iga ah dhalinyarada soomaaliyeed ineysan mustaqbalkooda lumin odoyaasha ow qabiilku madaxooda
    dhaqay ee mustaqbalka iyagaa iska leh ee ha midoobaan hana ka dheeraadaan qabyaalad iyo gobolaysi aan dib u dhac moogiye haba yaraatee wax qayr ah u siyaadineyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here