Cabdi Qeybdiid oo noqday madaxweynaha Galmudug

Taliyihi hore ee ciidamada booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa maanta ku guuleystay xilka madaxtinimada maamulka Mudug ee koonfurta Gaalkacyo.

Doorasho maanta ka dhacay koonfurta Gaalkacyo oo xarun u ah Galmudug ayuu Qeybdiid kula tartamay ilaa iyo lix murashax oo uu ugu caansanaa madaxweynihi hore ee Galmudug C/samad Nuur Guuleed.

Codbixinta oo ay u qaadeen baarlamaanka cusub isla markaana aheyd qarsoodi ayaa waxaa Cabdi Qeybdiid uu helay 22 cod halka Cabdi Samad uu helay hal cod, waxa marka ay noqoneysaa 99% cod bixinta maadaama baarlamaanka uu ka koobanyahay 23 xildhibaan.

Hadal uu ka jeediyey madasha ayuu ugu mahad celiyey inti dooratay, isaga oo ka dalbaday shacabka wada shaqeyn.

Cabdi Qeybdiid ayaa la filayey inuu ku guuleysto doorashadan sida maanta dhacday, sababtoo ah galaan gal xoog leh ayuu ugu jiray maalmahan sidi uu ugu soo bixi lahaa jagadaan.

Murashaxiinta kuma jirin madaxweynihi dhawaan xilka ka dagay Maxamed Axmed Caalin sababtoo ah xanuun xaga wadanaha kasoo wajahay iyo isaga oo sheegay inuusan dooneyn in mar labaad uu isa soo taago.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here