Cabdi Qeybdiid oo isu soo taagay doorashada xilka madaxweynaha Galmudug

Siyaasiga la yiraahdo Cabdi Xasan Cawaale ‘Qeybdiid’ ayaa maanta iclaamiyey inuu yahay murashaxa xilka madaxweynaha maamulka Galmudug ee ka dhisan Koonfura magaalada Gaalkacyo.

Kulan uu la qaatay odayaasha, siyaasiyiinta iyo waxgaradka Koonfurta Gaalkacyo ayuu ku sheegay in uu isu soo taagi doono doorashooyinka soo aadan ee madaxtino, isaga oo ka codsaday in ay taageeraan.

Wuxuu sheegay inuu u horseedi doono Galmudug nabad galyo iyo horumaro xaga bulshada ah, isaga oo balan qaaday inuu la shaqeyn doono maamulka ay deriska yihiin ee Puntland.

General Cabdi Qeybdiid, ayaa horay usoo noqday taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, iyo wasiir ka tirsan xukumada KMG Soomaaliya, hase yeeshee bilooyinki ugu danbeeyey wuxuu u wareegtay magaalada Gaalkacyo oo uu kasoo jeedo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.