Cabdi Qaybdiid oo ku Taliyey in la Doorto Masuul Karti Leh

Madaxweynaha xilkiisa lagu muransan yahay ee maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Cabdi Qeybdiid) ayaa maanta sheegay in Galmudug ay soo dhaweyneyso doorashada Madaxweyne-nimo ee ka dhaceyso maalinta Isniinta ee 10-ka September magaaada Muqdisho.

Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid oo shir jaraa’id saxaafada ugu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Galmudug ay siweyn u soo dhaweyneyso doorashada dalka ka dhaceyso.

Cabdi Xasan Cawaale ayaa tilmaamay in doorashada ay tahay guul usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed sidaa darteedna Soomaali ay ka bixi doonto dhibaatadii dheeraad.

C/Qeybdiid ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya in ay doortaan shaqsi wax u qaban kara shacabka Soomaaliyeed, isagoona xusay in Soomaalida ay dhibaatada ka bixi doonto hadii maamul hufan ay hesho.

Maalinta Isniinta ee berri oo ay taariikhduna ku beegan tahay 10-ka September ayaa waxaa Muqdisho ka dhici doono doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Waa markii ugu horaysay oo Madaxweynaha xilkiisa lagu muransan yahay ee maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Cabdi Qeybdiid) uu ka hadlo arrimaha doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here