Cabdi Qaybdiid oo ka digay in Shabaabku ay ku soo firxadaan Galkacyo

Cabdi Qaybdiid oo ka digay in Shabaabku ay ku soo firxadaan Galkacyo
Cabdi Qaybdiid oo ka digay in Shabaabku ay ku soo firxadaan Galkacyo

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, ayaa wuxuu maanta ka digay in Ururka Al Shabaab ay ku soo firxadaan Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

General Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), oo maanta ku laabatay Magaalada Galkacyo, ayaa wuxuu sheegay in Shabaab uu culeys ka soo fuulay Gobolada Koonfureed ee Somaliya, ayna suurta gal tahay in ay ku soo firxadaan buu yiri Magaalada Galkacyo.

Madaxweynaha oo Saxaafada kula hadlay Koonfurta Magaalada Galkacyo, ayaa wuxuu sheegay in loo baahan yahay in halmeel looga soo wada jeesto Shabaab, si toos ahna loola dagaalamo.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Galkacyo, ayaa waxa uu Madaxweynaha Galmudug uu ka codsaday in ay ku soo wargeliyaan Hay’adaha ammaanka ee Galkacyo, si looga hortaggo weeraro kaga yimaada Al Shabaab.

Hadalka ka soo yeeray General Qeybdiid, ayaa waxa uu xoojinayaa hadalka Khamiistii ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland, oo ka digay in firxadka Shabaabku ay soo galaan deegaanada Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here