Cabdi Jiinoow: Waa in Gurmad lala soo gaaraa dadka reer Jowhar+Dhagayso

Inj_Cabdi_Jiinow_Calasow_01Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Dhexe Cabdi Jiinoow, ayaa ka hadlay saameynta ay fatahaadaha Wabiga Shabeele ku yeesheen dadka ku nool Gobolka, gaar ahaan Jowhar, waxa uu sheegay in deegaanada qaar ay noqdeen kuwo go’doon ah oo aan loo gudbi karin.

Gudoomiye Cabdi Jiinoow, ayaa hay’adaha bixiya Gar gaarka ugu baaqay ineey lasoo gaaraan gurmad deg deg ah.

“Cid kasya oo wax ka geysan karta Gobolka waxaa hareeyay Biyo, Albaab laga galo ma lahan, Albaab laga baxana malahan, waxaa ku hareereesan Biyo, meelaha qaarna joogooda waxa uu gaarayaa ilaa 6 mitir, marka waxaan hay’adaha gar gaarka ka codsaneeyna ineey dadka lasoo gaaraan xiliga muhiimka ah gar gaar…” sidaa waxaa yiri Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada dhexe.

Dhanka kale waxaa gabi ahaanba go’an wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, kadib markii ay fariisteen Biyo xoogan oo kasoo rogmaday Wabiga.

Sidoo kale saameynta Fatahaadaha waxaa Gobolka usii dheer dagaalo beeleed maalmihii lasoo dhaafay si xiriir ah uga soconaya halkaas, waxaana dagaaladaas ku dhintay dad ka badan 30 qof, sidoo kale waxaa ku gubtay tuulooyin ay daganaayeen dad shacab ah.

Doowlada Federaalka Soomaaliya ayaan ilaa iyo hada si dhab ah ugu gurman dadka ay saameeyeen fatahaadaha iyo ineey kala dhexgasho beelaha halkaas ku dagaalamaya.

Halkaan ka dhagayso Codka Gudoomiyaha:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here