Cabdi Afeey: “Waxaan Dalbanayaa in la Sameeyo Wado isku Xirto Gaarisa iyo Kismaayo”

Maxamed Cabdi Afeey oo ka tirsan Baarlamaanka Dalka Kenya ayaa shalay kulankii Baarlamaanka ka jeediyay hadalo dhowr ah oo aad u koobnaa.

Afeey oo la hadlayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Kenya iyo xubnihii Baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Madaxweyne Kibaki uusan shaqada ka fariisan mar hadii xilka uu ka dago.

Wuxuu sheegay in Kibaki laga dhigo siyaasi dalka iyo dibadaba ka shaqeeya, kana harin siyaasada Dalka Kenya, wuxuuna ku booriyay xildhibaanka in madaxweyne Kibaki haduu xilka ka dago inuu sii wado dhameystirka shaqada wadada isku xirta Nairobi iyo Gaarisa.

“Waxaan kaa codsanayaa gudoomiye  in madaxweynaha markuu shaqada ka tago uusan noqon shakhsi meel iska fariista ee uu noqdo siyaasi ka dhex muuqda siyaasadda”.

Dhanka kale Xildhibaan Afeey ayaa sheegay in uu codsanayo in la dhiso Wado isku xirto Magaalooyinka Gaarisa iyo Kismaayo, waxaana hadalka Xildhibaanka wuxuu cadeynayaa in Kenya ay daneyneyso in ay ku xiranto Somaaliya.

“Mudane guddoomiye waxaan kaa codsanayaa in madaxweyne Kibaki uu wax ka dhamaystiro dhismaha waddada u dhaxaysa Nairobi iyo Gaarisa iyo waddo loo sameeyo Gaarisa ilaa Kisamaayo, si uu Kismaayo ugu tago isagoo lugaynaya”.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa horey u aaminsanaa in Kenya ay qabsatay Kismaayo, waxaana taasi cadeyneysa hadalka xildhibaanka ee ah in la dhsi wado isku xirta Gaarisa iyo Kismaayo si uu madaxweynaha Kenya oo lugeynaya uu ugu tago Kismaayo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here