Caasho Axmed Cabdalle oo Eedeysay Cabdiwali Gaas iyo Wasiiradiisa

Caasho Axmed Cabdalle oo kamid ahayd Xildhibaanadii Baarlamaanka Dowladda KMG Soomaaliya ayaa eedeyn dusha ka tuurtay Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Golihiisa Wasiirada.

Caasho Axmed Cabdalle oo ka hadlaysay kulan ay Musharixiin dhawr ah ku yeesheen Muqdisho ayaa waxa ay ku eedeysay Ra’iisul Wasaare Gaas iyo Golihiisa Wasiirada inay lunsadeen kuraastii ay haweenka Soomaaliyeed ku lahaayeen baarlamaanka cusub ee Somalia.

Caasho ayaa tilmaamtay in Gaas iyo golihiisa Wasiirada ay haweenka duudsiyeen kuraastii ay lahaayeen iyadoona xustay inay rag ay iyagu wataan ay ku badaleen.

Xildhibaanad Caasho ayaa beesha caalamka ugu baaqday inay fara gelin ku sameeyso musuqmaasuqa ka jira qaabka loo soo xulay baarlamaanka cusub ee Somalia.

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada ayaa waxa ay qeyb ka yihiin xildhibaanada cusub ee baarlamaanka la dhaariyey ee uu yeeshay dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here