Caalamka oo Soomaaliya ku fiirsaday Duufaanta cyclone

shutterstock_162225938-555x370Isbuucii lasoo dhaafay Xeebaha Bari ee Puntland, waxaa ku dhufatay Duufaanta cyclone, taasoo dishay dad aad u farabadan & Xoolo, islamarkaasna barakicisay dad farabadan.

Dadka ku dhintay Duufaantaas ee ilaa iyo hada la ogyahay waa 300 oo qof, halka 30,000 ay u baahanyihiin kaalmo deg deg ah, sidoo kale waxaa raq iyo ruux la la’yahay dad farabadan oo ay daadadkii xooganaa qaadeen.

Duufaanta cyclone, ee ku dhufatay Xeebaga Puntland, ayaa la sheegay ineey Saacadiiba jareysay 46 meyl, waxaa ku dhintay sidoo kale ilaa 100,000 oo xoolo isugu jira Geel, Ari iyo Lo, sidoo kale waxaa ku bur buray Doomo Kaluumeysi oo farabadan.

Soomaalida ayaa inta badan waxay ku nooshahay Xoolaha, Beeraha iyo Kaluumeeysiga.

Duufaanta cyclone, ee ku dhufatay Soomaaliya, ayaa noqoneysa Duufaantii ugu weyneyd ee ku dhufata Taariikhda inta la xasuusanyahay, islamarkaasna geysata Khasaaro intaas la’eg.

Waxaa jiro deegano farabadan oo ila aiyo hada dadka iyo Gaadiidka aysan isku socon karin oo go’an, waxaana dadka ay u baahanyihiin Gar gaar deg deg ah in lala gaaro.

Soomaalida meel walbo oo ay joogaan, waxay hada wadaan Gurmad xoogan oo ay u fidinayaan walaalahooda dhibaateysan, laakiin waxaa muuqata in Caalamka uu Isha uun ka fiirsaday dhibaatada ku habsatay dadka Soomaaliyeed, iyadoo la wada xasuusto in Caalamka ay si hagar la’aan ah ugu gurmadeen dadka reer Philipine oo iyagana maalmo kahor ay ku dhufatay Duufaan Xoogan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here