Caada dhaqameedka Bad-galka oo mudo sanada ah kadib maanta Muqdisho ka bilowday + Sawiro

Waxaa galabta degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho ka bilowday caado dhaqameedka loo yaqaano Bad-galka oo ah caado soo jireen ah oo laga yaqaano magaalooyinka ku dherarsan xeebta Badweynta India ee dalka Soomaaliya.

Dad u badnaa caruur iyo haween ayaa galabta galay bada iyaga oo ku faraxsan sameynta barnaamijkaan oo in muda ah u xayirnaa cabsi ay ka qabeen dadka xiiseeya kooxaha Islaamiyiinta oo mamnuucay sanadki 2006.

Inkastoo barnaamijkan xoogiisa uu dhacayo berito, ayaa hadana waxaa galabta uu ahaa mid camiran oo dad badani kasoo qeybgaleen.

Caada dhaqameydka Bad-galka ayaa ah mid dadku ay ku cararayaan bada iyaga oo kadibna kasoo laabanayo taasi oo ay sameeyaan sanad walba bishaan oo kale.

Hadaba nala daawada sawirada ay Midnimo.com idinkaga soo qaaday.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here