C.ronaldo:Boqorka boqortooyada Messi Sawiro

C.ronaldo ayaa u muuqanaya mid nafsad ahaantiisa Cmp New uga samaystay boqortooyo cusub, kadib markii uu xalay markii 6aad oo isku xigta uu si xiriir ah goolal uga dhaliyo, sida ay qoreen wargeyada Spain.

C.ronaldo, waxa uu xalay door weyn ku lahaa in naadigiisa Realmadrid ay gaarto kama danbeysta koobka boqorka Sapain “Copa delrey”, Ronaldo ayaa xalay dhulka ku jiiday Barcelona iyo xidigooda ay ku tashtaan Messi, kaasoo aan xalay wax layaqaan kusoo bandhigin boqortooyadiisa.

C.ronaldo, ayaa xalay dhaliyay laba gool oo aad u qurxan, iyadoo mid kamid ah uu ahaa gool ku laad, kadib markii uu Pique xerada ganaaxa ku jilaafay CR7, halka goolka labaadna uu ahaa, gool uu sababteedalahaa Angel Dimaria, kaasoo dhulka dhigay daafaca Puyel dabadeedna darbo xoogan ku riday goolka Pinto uu waardiyaha ka ahaa, balse lugta uga dhacday waxana si fiican uga faa’iideystay C.ronald oo si tartiib ah goolka ugu hubsaday.

Ronaldo, ayaa sidoo kale sabab u ahaa in karaka jaalaha loo taago labada ciyaryahan eek ala ah (Carlos Puyol iyo Pique), sidoo kale C.ronaldo waxa uu xalay qalqal xoogan galiyay daafaca Barcelona, dhanka kale majirin wax war ah oo laga maqlay messi, waxaana ugu war danbeysay markii uu goolka Realmadrid ku tuuray laad toos ahaa balse bananka uga baxday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here