C.ronaldo oo xalay Taariikh isaga u gaar ah ka dhigay La Liga

cccc-1-650x366Xidiga kooxda Real Madrid iyo xulka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa ka caawiyay Real Madrid guul ciriiri ah 2-1 ay ka gaareen kooxda Sporting Gijon kaddib markii uu u dhaliyay labada gool ay ku adkaatay.

Labada gool ayaa ka dhigan in Ronaldo uu dhaliyay goolkiisii 50 ee sanadka, wuxuuna noqday laacibkii ugu horreeyay taariikhda La Liga ee 6-sano oo xiriir ah dhaliyay goolal 50- ah amaba ka badan.

1480191231_448816_1480194180_sumario_normal

Sidoo kale labada gool uu dhaliyay xalay ayaa ka dhigan inuu dhaliyay goolashiisii 150-aad ee horyaalka La Liga uu ku dhaliyo gegada Bernabeu ee kooxda Los Blancos.

Waxaa xusid mudan in  Real Madrid inay iminka 7-dhibcood hogaanka ugu heyso Barcelona oo kulan xasaasi ah ku wajihi doonta caawa kooxda Real Sociedad oo ay muddooyinkanba uga soo adkaan la’dahay garoonkooda.

By Rashka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here