C.Ronaldo kuma biiray Manchester United xagaaga soo aadan Sawiro

Wargeyska Dailymail ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa maanta daabacay in xidiga naadiga Realmadrid C.ronaldo uusan xaagaga soo aadan ku biiri doonin kooxdiisii hore ee Manchester United, xili uu Sir Alex doonayo inuu markale soo ceshto xidigiisii hore.

Realmadrid iyo Manchester ayaa habeenka Arbacada soo aadan waxay kulan adag iskaga hor’imaanayaan lugta 2aad ee Champion League, iaydoo lugtii hore ay kusoo dhamaatay 1/1, waxaana lagu ciyaarayay garoonka Realmadrid.

“Wax walbo waa suurta gal, waan rajeeyneeynaa in uu mar uun kusoo laabto garoonka Manchester” sidii waxaa yiri Alex Ferguson oo rajo wanaagsan aanan ka muujin soo laabashada CR7.

“Waxaan u baahanahay qori aan ku celiyo CR7, kaasoo naga dhaliyay goolkii bar baraha” sidaa waxaa ku kaftamay Ferguson.

“Waa laga yabaa inaan gaarno wareega Quarter finalka, hadaan si wanaagsan u ciyaarno habeenka Arbacada, laakiin waxaa ka warsugeynaa natiijada kama danbeysta” ayuu yiri Sir Alex oo ka hadlayay rajada uu kaleeyahay kulanka adage ee ay kooxdiisa wajihi doonto Realmadrid.

Feguson, wali kama guuleysan Mourinho inta jeer ay iska hor yimaadeen, waxana guulo badan tababaraha lagu naaneeso Special One.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here