C.ronaldo iyo Gerrard Pique oo markii 17-aad si kafool kafool ah isaga hort imaanaya

Ciyaarta ay cawada isaga hor imaan doonaan tartanka Euro 2012 wadamadaspainiyoPortugalayaa waxaa markii 17-aad si kafoolkafool ah isaga hor imaanaya daafaca kooxdaBarcelonaPique iyo weeraryahanka kooxda Realmadrid C.ronaldo.

Labadan laacib ayaa 16 mar sikafoolkafool ah isaga hor’imaaday sanadihii lasoo dhaafay, waxaana xusid mudan in Gerrard pique uu yahay nin aad ugaranaya sida loo raaco Ronaldo in kastoo labadii kulan ugu danbeeysay LaligaSpainuu Ronaldo 2-gool kadhaliyay kooxdaBarcelona.

Marka laga hadlayo kulamada ay ciyaareen labada xul C.ronaldo wali gool kama dhalin shabaqada uu waardiyaha kayahay Goolhaye Cassilas, tartankii Euro 2004 iyo koobkii dunida 2010 iyo ciyaartii saaxiibtinimo ay Portugal 4-0 kugaraacday spain ronaldo wax gool kama uusan dhalin.

C.ronaldo ayaa cawada wajihi doona pique oo aan sidii looga bartay u ciyaarin qaasatan kulamdii ugu danbeeyay ee u ciyaaray naadigiisa Barcelona, laakiin wali waxa uu kamid yahay daafacyada uu ku tashanayo xulka spain waxaana kagarab ciyaaraya daafaca birta ah Sergio Ramos.

Hadabo labadan xidig ayaa cawada waxaa dhexmari doona ciyaar aad u adag iyadoo mid waliba uu doonayo inuu gaarokamadanbeysta tartankan.