B/weyne:Wadooyin iyo goobo ganacsi oo xirnaa halsano oo dib loo furay{Sawiro}

Ku dhowaad mudo halsano ah oo ay xirnaayeen wadooyin muhiim ah iyo goobo ganacsi ayaa markii ugu horeesay ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika iyo kuwa maamulka Hiiraan waxay ku guuleeysteen ineey dib ufuraan wadooyinkaas.

Gudoomiyaha maamulka B/weyne Maxamed Cismaan Cabdi oo ay wehlinayaan xubno katirsan maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ayaa ku dhawaaqay ineey furanyihiin wadooyinkaas goobaha ganacsigana dib lo howlgaliyo.

“Sida aad arkaysaan maanta waxaan qaadeeynaa Isbaarooyinkii wadooyinkiina waa furanyihiin, dadka reer hiiraana waxay usheegaynaa in hada wixii ka bilaawdo magaalada isku furantahay habeen iyo maalin” ayuu yiri gudoomiyaha magaalada.

Dhanka kale gudoomiyaha ayaa dadka reer Hiiraan ugu baaqay ineey dhinacooda ka qayb qaataan nabadda islmarkaasna ay iyagana haben iyo maalin ku ganacsan karaan goobahooda ganacsi amaankoodana la adkayn doono.

Taliyaha ciidamada AMISOM ee G/hiiraan Coll. Cismaan Dubad Sugule, ayaa dhankiisa shegay sababta keentay in magaalada ay kala xirnaato ineey ahayd amni daro, hadii lahelay iskaashi cad iyo ciidana laga guuleeysan karo kooxaha nabadda diidan.

“Waxa weyaan cidda nabada diidan waa kuwa qaraxyada dhiga, waxaana rabnaa intaa oo dhan inaan ka qaalib noqono, oo aan ka guuleeysano anagoo isku duuban shacab iyo ciidan” ayuu yiri taliyaha Ciidamada AMISOM ee G/hiiraan.

Taliyaha ayaa sidoo kale balan qaaday ineey ku talo jiraan inaan mardanbo magaalada lasaarin wax bandow ah.

Gudoomiyaha maamulka G/hiiraan C/fitaax Xasan Afrax ayaa tilmaamay in doowladu ay gudaneeyso waajibaadka kasaaran badbaadada shacabkeeda, ganacsiga iyo nafta muwaadinka.

“Har iyo habeen inaan sugno ayaan go’aansanay, wado xirnaan karta oo B/weyne dhexdeeda ku taalana majiri karto maanta laga bilaabo, dadka goobahooda ganacsi ay xiranyihiina dib waa ufurankaran” ayuu yiri gudoomiye C/fitaax Xuseen Afrax.

Durbaba qaybtii ugu horeeysay ciidamadii lagu soo taba baray saldhiga ciidamada AMISOM ee duleedka B/weyne ayaa waxaa lagu wareejiyay maamulka saldhiga magaalada B/weyne sida uu sheegay taliye Dubad.

In magaalada B/weyne ay kala xiranto ayaa waxaa ka danbeeyay qof isa soo miidaamiyay oo 24kii bishii January isku qarxiyay xaruunta G/hiiraan oo xiligaas ay saldhig u ahayd ciidamada dalka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here