B/weyne:Nin Miino Aasayay oo gacanta lagu dhigay

download (4)download (4)Ciidamada amaanka ee magaalada B/weyne ayaa saakay Gacanta ku dhigay Nin ka tirsan Al-shabaab, oo sida la sheegay Miino ku aasayay Bartamaha magaalada.

Ninkaan la qabtay ayaa la sheegay inuu doonayay inuu qarxiyo Ciidamo ka tirsan kuwa doowlada iyo AMISOM oo halkaas howlgalo amaan sugid ah ka waday.

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa isku balaariyay nawaaxiga goobta qaraxa lagu qabtay,  iyagoo halkaasi ka wada baaritaano iyo howlgalo lagu baadigoobayo rag kaloo ka tirsan shabab, oo la sheegay iney ku dhuumaaleysanayan Magaaladaasi.

Amaanka magaalada B/weyne ayaa ah mid aad usoo hagaagayay maalmihii lasoo dhaafay, waxaana qayb weyn ka ah Ciidamada Jabuuti oo iyaga qayb ka ah Ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here